Qaybaha maansada suugaanta:-


Hadalka soomalidu ku hadasho wuxu ka koobanyahay 75% soomali caadi ah, 24%afcarabi, 1% waa luuqada kale. hadaba markaan afsoomaliga ka hadalno hadalku wuxu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah
1.Tix
2.Tiraab
Tix: waa qaybta hadalka ugu saraysa uguna qiimaha badan, waa duxda ama iidaanka hadalka macaaneeya ama qurxiya. Hadaan si kale u sheegno waa suugaanta afka. Tixdu waxay u kala baxdaa
1.Maanso
2.Maahmaahyo
Maanso: maansadu waa hal-abuur, kaas oo bulshada qaar uun ka yimaada. Maansadu waxay leedahay habdhac iyo qaafiyad iyada u gaar ah. Waxay u qaybsantaa;
. Gabay  . Geeraar  . Jiifto  . Mansafo  . Buraanbur  . Guurow  . Shirib
. Saar     . Salsal     . Waglo
Gabay:- maansada marka laga hadlayo gabayga ayaa ugu horeeya, maansada qaybeheeda kalena gabayga ayay ka farcamaan. Gabaygu waa hal-abuurkii ugu horeeyay ee ay suugaanyahaniintu tirin jireen. Inta badan gabaygu wuxu ku dhisanyahay qaafiyada ah ugu yaraan xaraf laba jeer kusoo laabta bayd kasta, wuxu leeyahay habdhac gaar ah oo lagu garto. Gabaygu uu laba dhacaa intiisa badan, ama uu saddex dhacaa sida gabaygii “Jiinley”  ee sayidka. Tusaale waxa kamida
Giddigood adoomaha waxaa gaadhay nabar wayne
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e
Geelii aduunka u adkaa gobolla naafawye
Golihii ka kici waa ragii gaydho hayn jiraye
…Ismaaciil mire gabaygii ” Guuguule”……gabaygu wuxu ku sucdaa qaafiyada ” G” waxayn baydkasta ku jirtaa laba jeer.
Xarafku wuxu baydka ku jiri karaa laba jeer in ka badan. Waxa kamida
Bad kalluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaaha..
Geeraar:- waa martabada labaad ee maansada marka laga yimaado gabayga. Waxa gabayga lagaga soocaa qaab dhismeedka iyo dhererka meeriska. Geeraarku uu mar dhacaa. Tusaale geeraar
Gamaan waa magac duudoo
Sanga aan gabanayniyo
Magaankii godonaa iyo
Geenyadii dhadigayd baa
Gabigood ka dhaxaysoo
Haybta way isku gartaan
..Cali bucul ” amaan faras”.
Jiifto:- jiiftadu waxay kaga duwantahay mansooyiinka kale gaabida meeriska iyo habdhaceeda oo kooban. Waxa inta badan loo isticmaalaa heesaha iyo afarayda la is dhaafsado ruwaayadaha. Qaafiyada xarafku waa inuu ugu yaraan hal mar ku jiro bayd kaste. Tusaale waxa kamida
Sida geed caleenloo
Ubax guudka qariyay
Ooy gooni laamaha
Ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo
Guntin mira ah leedahay
Oo soo gandoo doo
Galka faraqa soo daray
..Midhihii axmad saleebaan bide iyo codkii Maxamad axmad kuluc
Mansafo:- waxay kamid tahay bahaha maansada. Waxay jiifka kaga duwantahay meeriska oo ka yara dheer jiifta iyo habdhaca. Jiiftu waa mar dhacdaa laakiin mansafadu way laba dhacdaa. Tusaale waxa kamida
Ma seexane cambaro sagal samaday u boodaye
Sahankeedu wuxu gaadhay saxalkiyo mariikhee
Subax noolba waxa jooga saacad qudha ma moogine
Sabrina mayso jeerooy suuban u ciyaartee
Siciida iyo deeqina sacabka way ka boodiye
Wuxu soo sidaa odagu waa siyaakhadoodee
Siinka iyo saadkaad kala sooci waydee
Ninka soo socda ha celin sarbeeb weeyi heestuye
..Xaaji aadan afqalooc silsiladii ” Siinley”.
Buraanbur:- buraanburku waa qayb kamida maasooyinka suugaanta ee soomaalida. Wuxu gaar u yahay dumarka, waxana la tiriyaa wakhtiyada farxada iyo guubaabinta. Wuxu leeyahay meeris iyo qaabdhac gooniya iyo qaafiyada oo laga bixi karo, taasina waxa weeyaan in xarafkii ay qaafiyadu ku socotay laga bixi karo oo marka dhawr bayd la tiriyaba xarafka kale la galayo. Tusaale waxa kamida
Hooyo iisoo dhawow dhegta iga maqal
Dhawaaqaan idina dheeldheel ayaanu noqon
Been ha u qaadan beerkuu kasoo go’ee
Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow
Ayaanu ceeshoonin wiilkaa kusoo calmaday
Ciidan wuxu kariyay cunnadiisu yaanay noqon
Inta xigtada u ah iyo gacalka wada xurmee
…Cibaado maxamad
Guurow:- guurowgu waa gabay ama godka gabayga ayuu soo galayaa. Meeriska iyo habdhaba way isku dhawyihiin, laakiin sida loogu luuqeeyo ayuu kaga duwanyahay gabayga. Waxana inta badan laga isticmaalaa koonfurta soomaaliya. Tusaale waxa kamida
Muqmuqlayda naageed ninkey joogto minankiisa
Iyada munaafaqa xadoo meel iskula dhuuntay
Hadday meel iskaga soo dhacaan ee la wada maadsho
Ma joogaa iyo maya warkay mahadiyaan waaye
Shirib:- wuxuu isaguna kamid yahay bahda maansada. Wuxu leeyahay miisaan iyo meeris gooniya, waxaana lagu gartaa qaabka loogu luuqeeyo. Tusaale waxa kamida.
Hogaankii dalka waa heblow, idinna waa hor joogsateen
Haramacas hilib qaatayaad, kadaba habhab leedihiin
Hub cusub ninka soo heloo, heshiiska diiday waa heshaa
Hadaad ka hilba hugsateen, himiladiinii waa hesheen
Saar:- inta badan saarka aad looma adeegsado, waxa isticmaali jiray sugaanyankii cadhays ciise kaarshe allah u naxariistee. Waxa loo qaada qaab gooniya oo iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida
Siin looxaa lagu dhigtaa
Sadar waa la akhriyaa
Socdaal waa loo kacaa
Sakada waa lala baxaa
San waa laga neefsadaa
Sariir waa lagu hurdaa
Sidii kale waxan lahaa
..Cadhays ciise kaarshe “Soonqaad”
Salsal:- salasal isaguna wuxu kamid yahay qaybaha maansada. Wuxu leeyahay habadhac iyo qaab gaar ah oo loo qaado. Waxa inta badan la  adeegsadaa wakhtiyada hawasha iyo hees hawleedada kala duwan, sida marka beerta la qodayo ama xoolaha la waraabinayo. Tusaale
Cayn gabadhi kuu jiidaad
Ka calaacalaysaa oo
Cudadiina kuu taal
Sida caynku kuu gubay
Ayaa cagtu ii daloosha
Inaan kugu dhuftaad moodee
Waan kugu la soo dhacay
..Hees hawleed marka geela la rarayo.
Waadigii cararaayee
Car I taaba laahaye
Dullaha caaradiisu
Baguu caynku ku gooyay
Markay beertu bislaato
Waan kuu badhi goyn
…Hees hawleed marka beerta la qodayo
Weglo:- waxay iyaduna leedahay qaab gooniya oo loo qaado iyo miisaan iyo meeris iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida
Wixii wacanbaa wad laga karine
Wajaale wanaagsanaydaa
Sidii adhi goosmayoo bahal galay
Miyaanu u gaynay gaalada

Comments

Popular posts from this blog