- Barbarda : Daruur biyeysan oo cirka badankisa qarisa.
- bariggo'an : Daruur weyn, biyo aan lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn
- caad : daruur meel sare ka muuqata
- caddaato : Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay
- coolli : Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan
- daruur : waa magaceda guud
- daruur buureed : waa daruurta buuraha dhaadheer xagooda sare ku samaysanta
- dhool : wa fooda cad ama inta hore ee daruurta da'ysa
- dulka-hoor : wa daruurta qofka dushiisa ku da'da
- fad : wa daruurta yar
- garab : wa daruurdaha is haysta oo da'aya
- geeldooje : daruuraha madmadow ee muuqda marka roob badan da'ayo
- gibillo : waa daruuro badan oo biyaysan
- gulungulco : daruur cufan oo biya sidda
- guulaamo : Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa
- heego : wa daruurta aan wali di'in ee ka sii saraysa daruuraha da'aya
- hogol : waa daruur curatay
- hoosaas : waa daruurta
- mukul : Daruur madow oo meel fog ka da'ays
- raayo: Daruur yar oo markaas uun da'aysa
- sayras : daruurta meel sare maraysa e qayb qaybta ah
- uugaan : daruuro cokan
- waqal : daruur biyaysan
Agile and Scrum Masterclass
Click Below the Button And Get It Know ..... https://www.digistore24.com/redir/341681/Abdulati22/

Comments
Post a Comment