Magacayda Gaar Ka Mid Ah Daruuraha:

  • Barbarda : Daruur biyeysan oo cirka badankisa qarisa.
  • bariggo'an : Daruur weyn, biyo aan lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn
  • caad : daruur meel sare ka muuqata
  • caddaato : Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay
  • coolli : Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan
  • daruur : waa magaceda guud
  • daruur buureed : waa daruurta buuraha dhaadheer xagooda sare ku samaysanta
  • dhool : wa fooda cad ama inta hore ee daruurta da'ysa
  • dulka-hoor : wa daruurta qofka dushiisa ku da'da
  • fad : wa daruurta yar
  • garab : wa daruurdaha is haysta oo da'aya
  • geeldooje : daruuraha madmadow ee muuqda marka roob badan da'ayo
  • gibillo : waa daruuro badan oo biyaysan
  • gulungulco : daruur cufan oo biya sidda
  • guulaamo : Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa
  • heego : wa daruurta aan wali di'in ee ka sii saraysa daruuraha da'aya
  • hogol : waa daruur curatay
  • hoosaas : waa daruurta
  • mukul : Daruur madow oo meel fog ka da'ays
  • raayo: Daruur yar oo markaas uun da'aysa
  • sayras : daruurta meel sare maraysa e qayb qaybta ah
  • uugaan : daruuro cokan
  • waqal : daruur biyaysan





Comments

Popular posts from this blog