Posts

Image
Qaybaha maansada suugaanta:- Hadalka soomalidu ku hadasho wuxu ka koobanyahay  75%  soomali caadi ah,   24% afcarabi,  1%  waa luuqada kale. hadaba markaan afsoomaliga ka hadalno hadalku wuxu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah 1.Tix 2.Tiraab Tix:  waa qaybta hadalka ugu saraysa uguna qiimaha badan, waa duxda ama iidaanka hadalka macaaneeya ama qurxiya. Hadaan si kale u sheegno waa suugaanta afka. Tixdu waxay u kala baxdaa 1.Maanso 2.Maahmaahyo Maanso :  maansadu waa hal-abuur, kaas oo bulshada qaar uun ka yimaada. Maansadu waxay leedahay habdhac iyo qaafiyad iyada u gaar ah. Waxay u qaybsantaa; . Gabay  . Geeraar  . Jiifto  . Mansafo  . Buraanbur  . Guurow  . Shirib . Saar     . Salsal     . Waglo Gabay:-  maansada marka laga hadlayo gabayga ayaa ugu horeeya, maansada qaybeheeda kalena gabayga ayay ka farcamaan. Gabaygu waa hal-abuurkii ugu horeeyay ee ay suugaanyahaniintu tirin jireen. Inta badan gabaygu wuxu ku dhisanyahay qaafiyada ah ugu yaraan xaraf laba jeer
Image
Magacayda Gaar Ka Mid Ah Daruuraha: B arbarda : Daruur biyeysan oo cirka badankisa qarisa. bariggo'an : Daruur weyn, biyo aan lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn caad : daruur meel sare ka muuqata caddaato : Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay coolli : Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan daruur : waa magaceda guud daruur buureed : waa daruurta buuraha dhaadheer xagooda sare ku samaysanta dhool : wa fooda cad ama inta hore ee daruurta da'ysa dulka-hoor : wa daruurta qofka dushiisa ku da'da fad : wa daruurta yar garab : wa daruurdaha is haysta oo da'aya geeldooje : daruuraha madmadow ee muuqda marka roob badan da'ayo gibillo : waa daruuro badan oo biyaysan gulungulco : daruur cufan oo biya sidda guulaamo : Daruuro waaweyn oo biyeysan, madow oo cirka maaxa heego : wa daruurta aan wali di'in ee ka sii saraysa daruuraha da'aya hogol : waa daruur curatay hoosaas : waa daruurta mukul : D